Livestock & Environment

Guddiga Dhowrista Deegaanka iyo khayraadka Dabiiciga ah.

 Gudoomiyaha Guddiga waa: Cabdiqaadir Cabdisalaan Sh. Max’ud

Waajibaadka Shaqo ee Guddiga waakan hoos ku qoran:

  1. Kormeerida Ha’yadaha u xilsaaran Arrimaha Deegaanka iyo bey’adda.ka talo bixinta la dagaalanka Xaalufinta Dhirta, Xoolaha iyo duur-joogta.
  2. Kormeerida iyo hubinta horumarinta wax soo saarka kalluumaysiga & beeraha.
  3. La socodka, Ururinta iyo talo ka bixinta Dhiibaatooynka ka jira Deegaanka iyo bey’adda.
  4. La talinta iyo soo jeedinta Tilmaamo ama awaamiir lagaga hortagayo Qashin warshadeed halis ah oo lagu qubo badda ama lagu aaso barriga iyo wasakhda hawada Doorisa, ama dhammaan wax yaabaha dhaawaca khayraadka dabiiciga ah iyo Cimilada.
  1. Ka qeyb-galka wacyi galinta Dadweynaha ee badbaadada deegaanka iyo bey’adda.
  2. U soo gudbinta golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira Arrimaha Deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah.

Wixii xiriir ah kala soo xiriir guddiga emailkan: committee@puntlandparliament.net

Use Facebook to Comment on this Post