MARXUUM KHALIIF CIISE MUDAN OO AAS QARAN LOOGU SAMEEYEY MAGAALADA GAROOWE

Garoowe, November 27, 2020: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Wasiirkii hore ee Amniga Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan , oo aas qaran loogu sameeyey magaalada Garoowe.
Guddoomiye Cabdirashiid ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.
Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Gen. Khaliif Ciise Mudan waxaa kasoo qeyb galay
Madaxweynaha DPL iyo ku xigeenkiisa, Guddoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Wakiillada Avv: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad Avv: Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano & Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland & Dawladda Federalka ee Soomaaliya, Saraakiisha ciidamada, Ehelada Marxuumka, waxgarad iyo dadweyne fara badan.
Alle ha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan Waxa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Dawladda Puntland, Wasiirkii hore ee Amniga Puntland, Taliyihii hore Ciidamada Cirka Soomaaliya, haddana waxa uu ahaa La-Taliyaha Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Amniga.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top