Planning & Inter Cooperation

Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah.

 Gudoomiyaha Guddiga waa: Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf.

Waajibaadka Shaqo ee Guddiga waakan hoos ku qoran:

  1. La socodka iyo hubinta Habka wada shaqeynta DPL iyo Dowladda Federaalka.
  2. U soo gudbinta Golaha xaaladaha siyaasadeed ee DPL iyo Dowladda Federaalka.
  3. Hubinta in siyaasada Dowladdu tahay mid ka turjumaysa danaha iyo daryeelka bulshada DPL.
  1. Ka talo bixinta Siyaasadda iyo istaraatiijiyada wada shaqenta qeybaha Dowladda.
  2. Hubinta iyo ka qeyb galka Howlaha dib loogu dhisayo dalka.
  3. Hubinta habsami u socodka Qorshaha Dowladda ee xiriirka Caalamiga ah.
  4. ka tala bixinta dhacdooyinka Arrimaha Dibadda ee ka hor imaanaya Siyaasadda DPL.
  5. La socodka Siyaasadda Dowladda ee ku wajahan Socdaalka iyo Jinsiyadaha.
  6. Ka tala bixinta wax wada qabsiga iyo deris wanaaga Maamulada kale iyo Wadamada aan Dariska nahay.
  1. Isku xirka DPL iyo Jaaliyadaha Dibada .
  2. Xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga Golaha Wakiillada iyo Baarlamaanada Caalamka.
  3. Ka tala bixinta Arrimaha Tirakoobka.
  4. U soo gudbinta Golaha Wakiillada wixii warbixin ah ee la xiriira siyaasadda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah.

Use Facebook to Comment on this Post