- GUDDIGA JOOGTADA AH Guddiga joogtada ah wuxuu ka kooban yahay Guddoomiyaha, Labada Guddoomiye ku-xigeen iyo Toban Madax Guddiyeed oo kala ah:
- Guddoomiyaha Guddiga Shuruucda, Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.
- Guddoomiyaha Guddiga Siyaasada, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.
- Guddoomiyaha Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha.
- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.
- Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada.
- Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka.
- Guddoomiyaha Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta.
- Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ah.
- Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqda Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.
QODOBKA 12-AAD:
DOORASHADA XUBNAHA GUDDIGA JOOGTADA AH
Doorashada Xubnaha Guddiga Joogtada ah waxay ku imaan kartaa:-
- Wadatashi ka dib, Xubnaha Gobol kasta oo Puntland ka tirsan wuxuu soo magacaabi doonaa xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah.
- Haddii Xubnaha Gobolku aanay go’aan midaysan ka gaarin iskuna raacin xulidda xubnaha uga mid noqonaya Guddiga Joogtada ah, Golaha ayaa kala dooranaya musharixiinta u taagan jagadaas ama jagooyinkaas ee Xubnaha Gobolka.
- Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu isagoo la tashanaya Guddoomiye ku- xigeennada, wuxuu magacaabaa, iskuna bedeli karaa xilalka madax- guddiyeedyada iyo xubnaha guddiyada. QODOBKA 13-AAD: XILKA GUDDIGA JOOGTADA AH
- Socodsiinta hawlaha Golaha muddada u dhaxaysa labada kalfadhi (Fasaxa).
- La socoshada dhacdooyinka iyo ururinta xogaha inta lagu jiro fasaxa, si loogu soo bandhigo Golaha.
- Hubinta fulinta barnaamijyada xukuumadda sidii loogu talo galay in uu u fulay.
- Waxay u yeeri karaan mas’uul kasta si ay su’aalo uga weydiiyaan shaqada loo idmaday
- Waxay ansixiyaan barnaamijta iyo qorshayaasha shaqo ee Golaha.
- Waxay ka talo bixiyaan arrimaha Siyaasadda, Amniga, Difaaca, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo dhaqanka.
- Waxay Xoojiyaan xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Golaha Wakiillada iyo Baarlamaannada kale.
- Waxay Kormeeraan shaqada wasaaradaha, hay’adaha dawladda iyo kuwo aan dawliga ahayn.
- Waxay soo saaraan baaqyo Baarlamaani ah mar kasta oo ay jiraan dhibaatooyin dabiici ah iyo kuwo bani’aadannimo.
10
QODOBKA 14-AAD: SHIRARKA GUDDIGA JOOGTADA AH
- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ah Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah.
- Guddiga Joogtada ah wuxu todobaadkiiba yeelanayaan hal shir inta lagu guda jiro fasaxa Golaha.
- Kulanka Guddiga Joogtada ah wuxuu furmayaa marka ay joogaan saddex-meelood laba meelood (2/3) xubnaha Guddiga.
- Dhammaan go’aamada guddigu waxay ku ansaxayaan cod hal dheeri ah, haddiise natiijadu is le’ekaato laba wareeg ee codbixin ah ka dib, waxaa cod hal dheeri ah yeelanaya Guddoomiyaha.
- Haddii Guddoomiye Guddi uu shaqada cudur-daar kaga maqan yahay, waxaa shaqada Guddigaas sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Guddigaas.
- Xoghayaha Guud ee Golaha, fadhiga Guddiga waa ka soo qayb gelayaa, ra’yigiisana waa ka dhiiban karaa, hase yeeshee ma yeelan karo awood codeyn.
- QODOBKA 15-AAD
SHURUUDAHA LAGU LUMIN KARO XUBINNIMADA GUDDIGA JOOGTADA AH
- Geeri.
- Xil Gudasho la’aan.
- Haddii fasax la’aan xubin ay ka maqnaanto fadhiyada Guddiga joogtada ah labo kulan oo is-xiga sabab la’aan.
- Jebinta Shareecada islaamka, Dastuurka, Xeer-hoosaadka iyo xeerarka dalka.
- Istiqaalo qoraal ah keento, lagana aqbalo.