Shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Garoowe, Sebteembar 14, 2020: Shirka 2-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada DPL Hon. Cabdiaziz Cabdullahi Cusman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame iyo xubnaha Guddiga ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda & masuulyiin ka tirsan Wasaaradda.

Shirka maanta ayaa Guddiga joogta Golaha Wakiillada DPL waxay warbixin kaga dhageysteen Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, oo Guddiga uga warbixiyay xaaladda dhaqaale Puntland guud ahaan iyo saameynta Caabuqa Coronavirus ( Covid19) uu ku yeesha dhaqaalaha.

 

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top