Talo-soo jeedinta heshiiska Puntland iyo P&O Port

Garoowe, November 26, 2020: Fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Abdirshiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan, ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 42 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ku soo gudbiyeen Talo-soo jeedinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee soo hor-marinta Qodobka 13-aad Ee Ajandaha oo ka hadlaya heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 4 Mudane.

Sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaannada ayaa dood ka yeelanaya maalinta Sabti oo Taariikhdu tahay November 28, 2020.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top