Wax-ka bedelka Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland

Garoowe, July 04, 2020: Fadhiga 12-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta waxaa goob-joog ah 40 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa ka doodista wax-ka bedelka xeerka maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland. Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaana qodob-qodob uga doodaya wax-ka bedelka xeerkaas.

Wax-ka bedelka Xeerka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Puntland oo maanta qodob-qodob looga dooday ayaa mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sii wadi doonaan ka doodistiisa maalmaha soo socda.

DHAMMAAD

Written by: Abdiwali Gooni

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top