Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL oo Xasaanaddii ka Xayuubiyey 8 Xildhibaan oo katirsanaa Golaha Wakiillada

Garoowe, December 03, 2020: Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Abdirshiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan, ku xigeenka 1-aad Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan iyo Ku xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga oo Ajandaha ahaa dhageysiga eed uu Golaha wakiillada u soo gudbisay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland, tasoo laga soo gudbiyey 8 Xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada oo kala ah.

  1. Xil. Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed
  2. Xil. Saleebaan Faarax Ciise
  3. Xil. Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato)
  4. Xil. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamud ( Dhoore)
  5. Xil. Muuse Siciid Xassan
  6. Xil. Maxamuud Maxamed Barre
  7. Xil. Cabdicasiis Siciid Maxamuud
  8. Xil. Maxamuud Axmed Caalin

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa ku soo dhaweeyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw Cismaan oo golaha la wadaagay eed ka dhan ah Xildhibaannada kor ku xusan, waxa uuna codsaday in xasaannada laga xayuubiyo si dacwad loogu soo oogo, isagoo ku eedeeyey inay ku xad-gudbeen Dastuurka DPL iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Ugu dambeyntiina 35 mudane ayaa cod gacan-taag ah ku oggolaaday, waxaana diidey 3 Mudane, halka uu ka aamusay 1 Mudane.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

 

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top