Xildhibaano kormeer ku tagay Burtinle & Jalam

Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa gaaray deegaanka Jalam oo ka tirsan Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal iyagga oo kulamo la yeeshay dadka degaanka & maamulka, waxaana ku wehliyay Gudoomiyaha degmada Burtinle.

Xubnaha Golaha Wakiillada ayaa u kuur-galaya xaaladda bulshada deegaamada, si ay ugu soo ceshaan warbixinta xaaladaha iyo baahiyaha ee deegaamadaas Golaha guud si loogu gudbiyo Hay’adaha fulinta ee ku shaqada leh inay wax ka qabtaan baahiyaha bulshadu qabto, mudanayaasha ayaa kala qayb qaadanaya dadka degaanka isku tashiga iyo hormarka bulshada.

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
Email: info@parliament.pl.so
Website: Www.parliament.pl.so

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top