xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka 2020

Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ku guda jira akhriska iyo falanqeynta Xisaab-xirka Sannad-maaliyadeedka 2020, kana duulaya qodobka 58-aad farqadiisa 5-aad ee Xeerhoosaadka Golaha Wakiillada ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta Golaha Wakiillada madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa xog-waraysi iyo su’aal waydiin la xiriirta Xisaab-xirka 2020 ee Golaha horyaala, waxaana madaxda Wasaaradda Maaliyadda iyo xafiiska Xisaabiyaha Guud ay Guddiga xog ka siiyeen Xisaab-xirka 2020, iyagoona uga jawaabay su’aalaha Guddigu waydiiyey.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top