Garoowe, Juun 28, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 10-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta waxaa goob-joog ahaa 49 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ah Ansixinta mas’uulyiinta u baahan xasaanada-siinta Golaha Wakiillada Dawladda Puntland sida uu qabo Qodobka 64aad Farqadiisa 16aad ee Dastuurka DPL iyo Qodobka 3 Farqadiisa 10aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL.
Kadib markii Xildhibaannada ay dhageysteen Taariikhdooda, waxaa cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 48 Xildhibaan, Diidmo 1, cid ka aamustayna ma jirin.
Xildhibaannada ayaa Xasaanadda siiyey Wasiiradda, Wasiir ku-xigeennada iyo Wasiiru Dawlayaasha kala ah;
1. Axmed Yaasiin Saalax
Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda DPL
2. Axmed Yuusuf Qahar ( Labayk )
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda DPL
3. Rashiid Maxamuud Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda DPL
4. Jamaal Carab Yuusuf
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL
5. Drs. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska DPL
6. Dr. Caarshe Maxamed Siciid Aw Muuse
Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL
7. Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe)
Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha DPL
8. Cabdalle Cali Maxamed ( Xashaawe)
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL
9. Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska DPL
10. Khadar Faarax Maxamed
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL
11. Xassan Cabdalle Xassan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL
12. Leylo Cabdi Cartan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DPL
13. Aamino Maxamed Cabdullahi
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska DPL
14. Cali Cumar Carshe
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda DPL
15. Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda DPL
16. Qaasim Maxamed Yuusuf
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha, iyo Gaadiidka Badda DPL
17. Cabdulqaadir Maxamed Suleymaan
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL
18. Shaakir Maxamed Guuleed
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah DPL
19. Nuur Shiikh Daahir Shiikh Nuur
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beeraha DPL
20. Axmed Ibraahim Cawaale
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare DPL
21. Cabdinaasir Aadan Gows
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda DPL
22. Mustafe Cabdifitaax Maxamed
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL
23. Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL
24. Yuusuf Axmed Maxamuud ( Barre Faatax)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha DPL
25. Maxamuud Ismaaciil Jaamac ( Ciyoon)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta DPL
26. Cabdullahi Maxamed Ciise ( Qoor-dhuub)
Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka DPL
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland