Garoowe, Luulyo 05, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 16-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPL Mudane Cawil Shiikh Xaamud oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda iyo Ku-simaha Taliyaha Ahna Taliye ku-xigeenka 2aad ee Ciidanka Asluubta DPL Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cismaan Liibaan iyo Sarkiil ka tirsan Asluubta.
Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.
Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Caddaalada, Dhaqancelinta iyo Xabsiyadda.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland