Fadhiga 17-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Luulyo 06, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 17-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Dawladda Puntland Maxamed Cabdullahi Axmed ( Libaaxe) oo ay wehliyaan Wasiiru Dawlaha Wasaaradda, Agaasimaha Guud Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ee Maxjarka Cabdirisaaq Maxamed Xasan.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Xannaanadda Xoolaha iyo Maxjarada Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top