Fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Luulyo 07, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 18-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Dawladda Puntland Mudane, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Gabiley) oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Wasiirka ayaa Golaha uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda u xil saaran tahay ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Duulista Hawada, Garoomada Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top