Fadhiga 22-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Luulyo 17, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 22-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada DPL Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk) oo ay wehliyaan Wasiir Ku-xgeenka Wasaradda Mukhtaar Cabdisalaan Suleyman, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Cabdirashiid Cali Geelle iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor).

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka cimilada ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha deegaanka iyo Isbedelka Cimilada dalka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobdiisa 64-aad, 55aad iyo Xeerarka dalka ee kala ah; Xeerka Mamnuucida, ka ganacsiga, dhoofinta, sameynta, beerida, iyo keenista waxyaalaha halista ku ah Aayaha dalka oo soo baxay 1999, Xeerka mamnuucida, isticmaalka iyo adeegsiga bacaha oo soo baxay 2013, Xeerka Ansixinta Siyaasadda deegaanka Puntland oo soo baxay 2015, Xeerka Sahminta saamaynta deegaanka Puntland oo soo baxay 2016 iyo Xeerka ilaalinta iyo maareynta degaanka Puntland oo soo baxay 2017.

Isla Xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda ayaa Qodobka 7aad kaga jira Ajandaha Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top