Garoowe, Luulyo 19, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa Shir-Guddoomiyey fadhiga 24-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.
Fadhiga maanta ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xassan Shire Cabdi oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenada Wasaaradda, Wasiiru Dawlaha, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Agaasimeyaal iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradda.
Wasiirka Maaliyadda DPL ayaa Golaha Wakiillada DPL uga warbixiyey shaqada ay u xil saaran yihiin ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.
Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa Wasiirka wax ka weydiiyey arrimaha Maaliyadda sida ay qabaan xeerarka dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland