Fadhiga 9-aad Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL

Garoowe, Juun 27, 2022: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL, Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa maanta shir Guddoomiyey fadhiga 9-aad, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 47 Xildhibaan ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Amniga & DDRta Cabdisamad Maxamed Gallan, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Gen. Yaasiin Cumar Dheere, Taliyaha Ciidanka Booliska DPL Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo Taliska Nabadsugidda iyo Sirdoonka Puntland kuwaa oo Golaha la wadaagaya Xaaladda Amni ee guud ahaan dalka.

Ugu horeyn, Guddiga Amniga & Nabadgalyada Golaha Wakiillada DPL ayaa Golaha la wadaagay warbixin la xiriirta dhacdooyinka amniga ee dalka, sida uu qabo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobkiisa 62.5 kaas oo faah-faahinaya Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada inuu u xil-saaran yahay La socodka xaaladaha nabadgelyo iyo amni ee dalka, Ururinta dhacdooyinka nabadgelyo darro ee ka dhacday Puntland, si wax looga qabto.

Wasiirka Wasiirka Amniga DPL ayaa Golaha la uga warbixiyey shaqada ay u xilsaarayihiin hay’adaha amnigu ee Dastuuriga ah, qorsheyaasha iyo caqabadaha jira.

Intaas kadib, Xildhibaannada ayaa wax ka weydiiyeen arrimaha Amniga Xuduudaha, gudaha, Beersoolka Baabuurta, shilalka waddooyinka, dadka soo galootiga ah, xaalada amni ee Gaalkacyo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta

Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

wararkii ugu dambeeyey
Scroll to Top