Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa Khudbad Dastuuriga ah ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 47-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni.
Furitaanka Kal-fadhiga waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-xigeenka 1aad iyo 2aad, Guddoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Nuur Macalin, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Senator Cabdirisaaq Jurile iyo masuulyiin kale.