Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladdaha Hoose iyo horumarinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ayaa kulan xarunta Golaha Wakiillada kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda DPL Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda DPL ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaradda, qorshayaasha degsan, waxyaabaha u qaab-soomay June illa September 2020 iyo weliba caqabadaha jira, isaga oo sidoo kalena, su’aalo laga weydiiyay arrimaha uu ka hadlay, isla markaana ay Guddigu u hawlgalidoonaan sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka jira Wasaaradda ayna doorkooda ka qaadanayaan.
Kulanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo hor-marinta reer miyiga ee Golaha Wakiillada DPL ay la qaateen Wasiirka Wasaaradda ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Golaha Wakiillada DPL ee la socoshada Hay’adaha fulinta dalka.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland