Shaqooyinka Golaha

Sida ku cad Dastuurka dalka Qodobka 62aad Habraaca Golaha,  Golaha wakiilladu, fadhiga ugu horreeya waxa uu iska dhex-dooranayaa guddoomiye iyo laba ku-xigeen oo kala ah koowaad iyo labaad. Kalfadhiga koowaad ee Golaha, waa in lagu meelmariyo xeer-hoosaadka lagu socodsiinayo hawlaha

Goluhu wuxuu yeelanayaa kalfadhiyo loo dhan yahay si uu uga doodo, u oggolaado, ama u diido arrimaha la horgeeyo, Fadhiyada loo dhan yahay ee Goluhu way u furan yihiin dadweynaha, haddiise ay xukuumaddu codsato ama hoggaaminta Goluhu u arko in ka doodidda arrin ay u baahan tahay inay Golaha ku koobnaato, Goluhu wuxuu go’ansan karaa inuu ka yeesho fadhi albaabadu u xiran yihiin.

Hogaanka Goluhu wuxuu xildhibaannada u kala qaybinayaa Guddiyo Joogto ah oo lagu qeexayo xeer-hoosaadka Golaha, taasoo waafaqsan arrimaha Golaha la soo hordhigayo, Guddi-hoosaadyadu waa inay isugu dheellitiran yihiin xoogagga siyaasadda ee uu ka koobanyahay

Goluhu, waxayna u xilsaaran yihiin diyaarinta, lafaguridda, iyo soo jeedinta arrimaha Goluhu ka doodayo.

Fadhiyada Golaha waxaa la horgeeyaa arrimaha ay isku soo raaceen guddi-hoosaadka ay khuseyso.

Scroll to Top