1 HIMILADA
Waxaa Istiraatiijiyaddan loogu talo galay inay ka dhabayso himilada Golaha Wakiillada ee ah in uu noqdo codka dhammaan shacabka Puntland.
2 HAWSHA
Golaha Wakiilladu waxa uu metelaa shacabka Puntland, waxaana uu gutaa awoodihiisa Dastuuriga ah ee ah metelaadda, sharci dejinta, kormeerista dowladda iyo la xisaabtankeeda isaga oo hormuud ka noqonaya waxa ay hiigsanayaan shacabka, iyada oo ujeeddadu tahay helidda nabad, midnimo iyo dardargelinta horumarka.
3 QIYAMKA
Arrimaha hoos ku qoran waa qiyamka iyo arrimaha uu aaminsan yahay Golaha Wakiillada oo tilmaamaya waxa uu u taagan yahay, qodobbada riixaya arrimaha uu mudnaanta siinayo, iyo waxa hagaya hawl maalmeedkiisa ee la xiriira hir-gelinta Hawshiisa si loo gaaro Himiladiisa.
● Amaano – Guddoomiyaha, Ku-xigeennada iyo dhammaan xildhibaannada baarlamaanku xilka waxay u hayaan amaano iyo inay ugu faa’iideeyaan shacabka Puntland.
● Hufnaan – waxaan ballan ku qaadeynaa in aan howlaheenna ku fulino hufnaanta ugu weyn, daacadnimo iyo sida ugu muhiimsan oo xirfadaysan.
● Galaangal iyo Isla-xisaabtan – Waxaa aanu ballan qaadaynaa in aanu noqonno kuwa dadweynaha Puntland ay galaan-gal u leeyihiin, lana xisaabtamaan, in aanu noqono kuwo daahfuran oo aanu raadino inaanu fahamno aragtida, welwelka iyo waxa ay ku haminayaan dadku.
● Qaddarin – Waxaa aanu ballanqaadaynaa in aanu si isku mid ah u qaddarinno waayeelka, anaguna is qadarino iyo inaan matalno dadka nalagu aaminey, anaga oo la imaanayna u dabacsanaan.
● Waddaniyad – waxaa aanu ballanqaadaynaa inaanu dadka Soomaaliyeed ugu shaqayno hab waddaniyad ku dheehan tahay.
● Midnimo iyo Nabad ku wada noolaansho
Halkaan ka akhriso Qorshaha Istaratiijayeed ee Golaha Wakiillada DPL
Riix Hoos